Madaxweynaha Oo hambalyeeyay sanad guuradii 65-aad ee kasoo wareegatay aasaaska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

 

Waxaan hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa Taliska, Hoggaannada, Sarreeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Munaasabadda maalinta 12-ka April awgeed, maalintan oo ku beegan sanad guuradii 65-aad ee kasoo wareegatay aasaaska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaan Alle idinkaga baryayaa in uu noosii daa’imiyo guulaha xiriirka ah ee aad ka gaareysaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed, adinka oo huraya waxa ugu qiimaha badan ee qof Beni-Aadan ahi huro oo ah naftiinna.

Waxaa naga go’an in aan garabkiina ahaanno dharaar iyo habeen, si aad u xaqiijisaan rajada bulshada Soomaaliyeed ee hanashada dowladnimo dhammeystiran, nabad waarta iyo horumar, waxaana shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay sii laba jibbaaraan taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taaganyihiin Ciidanka Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top