Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug oo ka qayb galay shir looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta, gurmadka abaaraha iyo adeegga bulshada

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug oo ka qayb galay shir looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta, gurmadka abaaraha iyo adeegga bulshada

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Galmudug, Osman Moalim Hassan, ayaa maanta ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha Guud, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyayaasha Degmooyinka Galmudug, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka howlgala Galmudug.

Shirka ayaa waxaa shir-guddoominayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, waxaana diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ajandayaasha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Xoojinta wada-shaqeynta
  2. Gurmadka abaaraha
  3. Dardargelinta adeegga bulshada
  4. Nabadeynta iyo dhab-u-heshiisiinta bulshada
  5. Afurinta dadka danyarta ah
  6. U diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo cod

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa ugu baaqay ka qaybgalayaasha shirka, ganacsatada Soomaaliyeed, iyo qurbo-joogta in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen, maadaama lagu jiro xilli ay soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale, shirka ayaa looga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortabinta leh ee horyaalla hay’adaha Dowladda Galmudug, loona xoojin lahaa isku-xirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan, si bulshada Galmudug loogu adeego si hufan oo waxtar leh.

Ugu dambeyn, shirka ayaa ku soo dhammaaday guul, iyadoo la isla qaatay in kulamada noocan oo kale ah la joogteeyo, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, loo dardargeliyo gurmadka abaaraha, loona horumariyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada Galmudug.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top