Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada oo Ka Qayb Galay Kulanka Weydiinta Wasiirka waxbarashada Galmudug.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada oo Ka Qayb Galay Kulanka Weydiinta Wasiirka waxbarashada Galmudug.

Dhuusamareeb, 13 Agoosto 2025 – Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada Galmudug, Mudane Abdikariim Al-Cadaala, ayaa ka qeyb galay Kulanka Weydiinta Wasiirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Galmudug. Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda dowlad-goboleedka.
Kulankan oo ahaa mid furan oo lagu weydiinayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, su’aalo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, qorshayaasha horumarinta, iyo caqabadaha taagan, ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada – oo ay ku jiraan arday, macallimiin, ururada bulshada rayidka ah, iyo masuuliyiin dowladeed.

Mudane Abdikariim Al-Cadaala ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashada dadaalka ay ku bixineyso daahfurnaanta iyo la xisaabtanka, isagoo xusay in Madaxtooyada Galmudug ay si buuxda u garab taagan tahay horumarinta adeegyada waxbarashada iyo dhiirrigelinta doorka ay bulshada ku leedahay kobcinta nidaamka waxbarasho.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday dood furan, talooyin wax ku ool ah, iyo ballanqaadyo la xiriira horumarinta waxbarashada, iyadoo lagu heshiiyay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah si loo helo waxbarasho tayo leh oo u dhiganta baahida bulshada Galmudug.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top