Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug oo ka qayb galay Daah-furka Dhismaha Waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Galmudug, Osman Moalim Hassan, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda daah-furka dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta magaalada Dhuusamareeb, Caasimadda Galmudug, iyo deegaanka Qaradhi, taas oo dhererkeedu dhan yahay 60 KM.

Munaasabaddan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug, gaar ahaan dhismaha waddooyinka muhiimka u ah isku socodka bulshada, fududeynta ganacsiga, iyo kobcinta fursadaha horumarineed ee deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku muujiyay sida ay Dowladda Galmudug uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono isku xirka deegaanada iyo sare u qaadista adeegyada muhiimka u ah bulshada.

Mashruuca dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi ayaa waxaa maalgelinaya Midowga Yurub (EU). Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.

Ugu dambeyn, daah-furka mashruucan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo isku xirka deegaanada Galmudug, isla markaana lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top