Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug oo ka qayb galay furitaanka Masjidka Imaamu Bukhari ee Dhuusamareeb

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Galmudug, Osman Moalim Hassan, ayaa ka qayb galay munaasabadda furitaanka Masjidka Imaamu Bukhari, oo laga hirgeliyay magaalada Dhuusamareeb, Caasimadda Galmudug.

Masjidka Imaamu Bukhari ayaa door muhiim ah ka qaadan doona fidinta barashada culuumta diinta Islaamka, kor u qaadista tarbiyada bulshada, iyo abuurista goob cibaado oo casri ah, taas oo bulshada u sahlaysa in ay si deggan ugu cibaadeystaan.

Munaasabadda furitaanka Masjidka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaanno heer Galmudug ah, maamulka degmada, culimo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa bogaadiyay muxsiniintii dhistay Masjidka, Maamulka Masjidka Imaamu Bukhari, iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta dhismahan muhiimka ah.

Ugu dambeyn, furitaanka Masjidkan casriga ah ayaa ku soo aaday waqti barakeysan oo ay bilaabaneyso bisha Ramadaan, iyadoo bulshada Dhuusamareeb ay ka faa’iideysan doonaan goob cibaado oo ku habboon salaadda, barashada diinta, iyo wacyigelinta bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top