Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Galmudug, Osman Moalim Hassan, ayaa ka qayb galay gabagabada shir laba maalmood socday, kaas oo ay isku xog-wareysanayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha Guud, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyayaasha Degmooyinka Galmudug, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka howlgala Galmudug.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah maamulka, adeegga bulshada iyo gurmadka bani’aadamnimo, waxaana ajandayaasha ugu waaweyn ka mid ahaa xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa taageera, gurmadka abaaraha, dardargelinta adeegyada bulshada, nabadeynta iyo dhab-u-heshiisiinta bulshada, afurinta dadka danyarta ah, iyo u diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo cod.
Intii uu shirku socday, mas’uuliyiinta iyo wakiillada hay’adaha ayaa is dhaafsaday xog ku saabsan xaaladaha deegaanada, baahiyaha bulshada, iyo muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo la xoojinayo isku-dubbaridka heer dowlad iyo heer degmo.
Shirka ayaa ku soo dhammaaday guul, iyadoo degmo kasta ay dhisatay Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo Afurinta, si loo dardargeliyo taageerada loo fidinayo bulshada nugul, gaar ahaan dadka ay saameeyeen abaaraha iyo dadka danyarta ah ee u baahan garab istaag inta lagu jiro bisha barakeysan.
Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la hirgeliyo mashruuca “Galmudug Nabad, Nadiif iyo Cagaar ah”, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda, bilicda deegaanka, nadaafadda, iyo horumarinta bulshada Galmudug.
Ugu dambeyn, shirkan ayaa muujinaya sida Dowladda Galmudug uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta, u gurmadka bulshada, dardargelinta adeegyada muhiimka ah, iyo hirgelinta qorshayaal waxtar u leh nabadda iyo horumarka deegaanada Galmudug.