Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug oo ka qayb galay qaabilaadda wafdi ka socday Hay’adda ICRC

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Galmudug, Osman Moalim Hassan, ayaa maanta ka qayb galay kulan Madaxtooyada Galmudug lagu soo dhaweynayay wafdi ka socday Hay’adda ICRC Soomaaliya, kuwaas oo howlo shaqo ku yimid Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa si wadajir ah u qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira deegaanada Galmudug iyo sidii gurmad degdeg ah loola gaari lahaa dadka ay abaartu saameysay. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Galmudug iyo Hay’adda ICRC, si loo dardargeliyo taageerada bani’aadamnimo iyo gurmadka loo fidinayo bulshada nugul.

Ugu dambeyn, Dowladda Galmudug iyo Hay’adda ICRC ayaa isla qaatay in si dhow loo wada shaqeeyo, gaar ahaan Wasaaradda Gargaarka, Guddiga Abaaraha, iyo Xafiiska Hay’adda ICRC ee Galmudug, si loo xaqiijiyo gurmad wax ku ool ah oo degdeg ah oo gaaraya dadka abaaruhu saameeyeen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top